- Sannadkii 1969 oo ahayd markii uu bartay tumista Kabanka ayuu Axmed Saleebaan Bidde u dhiibay heestii labaad ee uu Cabdi Tahliil qaado oo ahayd heesta Onkod oo uu isagu laxamaystay(Cabdi Tahliil).
- Sannadkii 1971 oo ahayd markii la furay Tartanka heesaha hirgalay ayuu ka mid noqday hobolo u ku tartamay heesidda oo ay ka mid ahaayeen, Muxsin Cabdalla oo isagu hore Ethiopia uga heesi jiray, Cumar Nuur Cabdille, Cabdullaahi Cumar Xarrago jecel/Xarrago, Cabdi Xasan Dige , Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Ruqiya Cali Guutaale.
- Kooxdan tartantay Xasan Aadan oo keliya ayaa Waaberi ku biiray.
- Cabdi Tahliil gaarkiisa ayuu u heesi jiray , ka dib wasaaradda maaliyadda ayuu shaqaale ka noqday wuxuuna maamulka xisaabaadka ka ahaa gobolka Bari , wuxuuna ahaa nin fan ahaan isku filan oo haddii uu erayo helo isagu laxamaysan kara , Muusik saaran kara sidoo kalena codkiisa ku qaadi kara.
- Wuxuu soo saaray heeso badan oo keligii ah marka laga soo tago haween kooban oo uu la heesay sida Faadumo Duur oo ay gobolka bari kuwada noolaayeen intii ayna Faadumo u wareegin Muqdisho iyo kooxdii booliska ee Heegan, Marwo Maxamed Cabdi iyo Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal).
- Wuxuu Cabdi Tahliil la shaqayn jiray kooxdii Danan ee ururka dhallinyarada. Ilaa uu Waaberi la shaqeeyey horaantii Sideetamaadkii.
- Wuxuu in badan ka heesay waddaniyadda iyo qaabka loobaahanyahay in umadda loogu shaqeeyo, madaama uu ahaa nin wax ka yaqaanna maamulka xafiis.
- Sannadkii 2000 xilligii uu socday shirkii Soomaaliya dowladnimada loogu raadinayey ayuu Cabdi Tahliil ku xanuusaday magaalada Carta , xanuunkaasi oo marxalado kala duwan la soo maray ayuu ugu dambayntii u geeriyooday
- Alle ha janneeyo.
- W/D: Cumar Seerbiya
Saturday, 6 June 2020
GEERIDII CABDI TAHLIIL WARSAME 2020
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Todobaadka xoriyada soomaaliya
Xuska sanadguurada madaxbanaanida somalia Mdaxweyne Farmaajo oo Hambalyo Xoriyada iyo Midnimada u diray Shacabka Somaaliyeed. Madaxwey...
-
Weedhihii U Danyeeyay Ee Siyaad Barre Iyo Sheekadii Dhexmartay Ganacsade Haashi Weheliye Iyo Siyaasiga Qanyare Afrax 1988 S Sanadku m...
-
Xuska sanadguurada madaxbanaanida somalia Mdaxweyne Farmaajo oo Hambalyo Xoriyada iyo Midnimada u diray Shacabka Somaaliyeed. Madaxwey...


No comments:
Post a Comment
Is diiwaan gali