Monday, 29 June 2020

Todobaadka xoriyada soomaaliya

Xuska sanadguurada madaxbanaanida somalia

Mdaxweyne Farmaajo oo Hambalyo Xoriyada iyo Midnimada u diray Shacabka Somaaliyeed.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay qiimaha xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada dalkeenna ayaa ku booriyey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaatan dabbaal degyada 60-Guurada ka soo wareegtay.

“Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, Koonfur iyo Waqooyi, ciroole iyo carruur, rag iyo dumar, mucaarad iyo muxaafid dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan, waxaan ku boorinayaa in ay si mugleh uga qeyb qaataan xuska sanadguurada 60aad ee Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada.”

Madaxweynaha ayaa ka codsaday muwaadin kasta in Calanka Jamhuuriyadda iyo Astaanta Qaranka uu suro hooygiisa, goobaha ganacsiga iyo xarumaha dadweynaha, si aynu u muujinno farxaddeenna ku aaddan maalmahan qiimaha badan, uguna faanno taariikhdeenna iyo qarannimadeenna.

“Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, meelkasta uu caalamka ka joogo waxaan ka codsanayaa in uu dabbaal-degga 60 guurada ka qayb-qaato, guryaha, goobaha la isugu yimaado iyo goobaha ganacsigaba la suro Calankeenna, ubadkeenana aan uga sheekayno taariikhdii Xorriyada dalkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle ka baryey in Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimadu uu ku soo idlaado nabad, isku duubni iyo farxad deeqda qof kasta oo Soomaali ah.


Sunday, 14 June 2020

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cadeysay Mowqifkeeda ku aadan doorashaddii kismaayo ee Madaxweyne Axmed Madoobe.



Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyada oo ka duuleysa qaraarkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ay ku ansixiyeen go'aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta kaasoo ay ku caddaysay inaysan aqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Jubaland ee hareer marsanaa habraacyada saxda ah ee ay dejisay Wasaaradda, kana hor imaanayay Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka;

DFS iyada oo tixgelisay mawqifkii caddaa ee Beesha Caalamka ee ku aaddanaa in ay lagama maarmaan tahay in ay dhacdo doorasho la isku raacsanyahay, la isku halleyn karo, haysata taageerada dadka Jubalanad oo dhan, horseedi karta midnimada bulshada Jubaland, laguna duray sax ahaanshaha doorashadii dhacday;

DFS waxay ka xuntahay faragelinta qaawan ee Kenya ee arrimaha doorashooyinka Jubaland taasoo dooneyso in ay cadaadis siyaasadeed uga dhigto Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay danaheeda uga gaarto qadiyadaha lagu muransan yahay ee dhex yaalla labada wadan gaar ahaan dacwada badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

DFS oo garawsan baahida loo qabo in la helo maamul ay heshiis ku yihiin dhammaan dadka deegaanka, ayna lagama maarmaan tahay in la lasoo afjaro khilaafaadka soo jiitamayay waxay soosaartay go'aamadan;

1. DFS waxay Mudane Axmed Maxamed Islaam u aqoonsanaysaa Madaweynaha Maamulka Kumeel Gaar ah ee Jubaland.
2. Muddo-xileedka Maamulkan KMG ah waa labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay.
3. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha KMG ee Jubaland inuu fidiyo gogol ay isugu imanayaan dhammaan dadkii ku kala irdhoobay khilaafka ka dhashay doorashadii Jubaland si dib loogu yagleelo Jubaland mideysan, ayna ka dhacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka.
4. DFS iyada oo gudanaysa waajibeedkeeda dastuuriga ah waxay mar walba u taagan tahay ilaalinta danadaha qaranka, midnimada shacabkeeda iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wednesday, 10 June 2020

HADALADII UGU DAMBEEYAY EE SIYAAD BARE

Weedhihii U Danyeeyay Ee Siyaad Barre Iyo Sheekadii Dhexmartay Ganacsade Haashi Weheliye Iyo Siyaasiga Qanyare Afrax 1988

Smiley face
S Sanadku markuu ahaa 1988 ayaa sida caadada ahayd goor habeenimo ah oo ku dhaweyd Waaberi ayaa  Siyaad Barre loo keenay cajalad xasaasi ah oo ay ku duubantahay wada hadal Taleefoon ku dhex-marayey Maxamed Qanyare Afrax iyo nin maal-qabeen ahaa oo la odhan jiray Xaashi Weheliye oo isna ka mid ahaa ragga ugu cad cad ee ka horjeedday Xukunkii Siyaad Barre.
Xaashi Waheliye waxaa kale oo uu ahaa khasnad hayaha laga maamulo hawlgalada falalka dagaal mucaaradka, waxaana xusid mudan in cajalad kasta oo loo keeni jiray Siyaad Bare uu Xaashi Weheliye ka ahaa “Player”
Cajalada ayaa ku duubneyd codka Maxamed Qanyare oo warkiisa ka soo tabinayay Magaalada Nairobi .. wada-hadal iyo is wareysi badan ka dib Qanyare waxuu Xaashi ku yidhi; “Waxaan la xadhiidhay kooxihii wadaadada ahayd, waxaana ay ii sheegeen in dhawaan la maqli-doono war kadis ah oo lagu farxo ..”
Xaashi Weheliye ayaa weydiiyey Qanyare waxa uu noqon karro warkaas Farxada lihi, Maxamed Qanyare ayaa markaa ugu hal-celiyay oo ku yidhi sidan: “Afar ka mid ah wadooyinka uu maro Maxamed Siyaad ayaa la dhigay mujaahidiin naftood hurayaal ah oo isticmaali-doona madaafiicda diirada tooska u dhacda ..”
Markaa ka dib Xaashi oo hadalkii qaatay ayaa yidhi,  “Qoryaha anagaa ayaa dhawaan iibinay, laakiin qorshahaas layma sheegin,” isagoo carbka ku sii dhuftay in
Goobjooge Furay Faylki Hay’ada NSS/ Hogaanka War-Isgaarsiinta iyo Farsamada Qalabka Sirdoonka/ Sir Culus.
Oo uu ku dooday inuu jiro gorgortan ay kooxo kale kula jiraan. Waxaa kale oo aan xasuustaa oo cajaladda Siyaad Barre loo geeyay ku jiray Qanyare oo ku sii wargalinaya saaxiibkii Xaashi in Mr.Cabduqaadir Adan Cisman”Ina Aadan Cade” oo Roma Joogaa u macaawino ka helay dawlada Talyaaniga, si loogu taakuleeyo halganka lagula jiro Maxamed Siyaad, ayna dhawaan soo gaadhi-doonto dekada Xamar, Xaashi Weheliyana looga baahanyahay inuu masuuliyadeeda la wareego”  isaga oo filaya in aan dawladu ka warhayn.
Maxamed Qanyare Afrax oo si ilaaqtan ku jiro u hadlaya ayaa su’aal ku soo celiyey Xaashi Weheliye oo yidhi; “Maxaa dhacay maal-mahan ma maqal, falalkii dilka iyo dhaca ahaa ee ay kooxdi Faay Cali sameyn jireene,” Waxaana uu intaas raaciyey; “Aaway dib-jiradii iyo ciyaal suuqi hor kici jiray qaska magaalada. ma lacgtii la siin jiray ayaad Xaashiyow kaga bakhaysheen?” .
Xaashi oo jawaab ku celiyey ayaa yidhi; “Wax waliba sidii loogu tala galay ayay u socdaan, hawshaasna rag baa u xilsaaran waanay socotaa, kharashna looma waayine, iyagaa beryahan malaha xeelad awgeed isu  nabaya,”
Intaa ka dib Qanyare oo hadalka soo gabagabeeyay ayaa kula dar daarmay Xaashi Weheliye weedhahan, isagoo yidhi,  “Hawiye waa habaaran-yahay jiifka ha ka tooso .. fadlan u sheeg gabdhaha iyo marwooyinka Hawiye waa iney raga guubaabiyaan oo gambada xooraan, guri kastana waa in guradisa hub iyo rasaas laga buuxshaa.”
Sarkaalkan warkan tabinayaa waxa uu ku dooday in Waqtigaas in kasta oo xaaladu Siyaad Barre aad ugu xumayd oo aanu ahayn Libaaxii Todobaatanaadkii, haddana aanu dhagaysiga Cajaladan warka uu ka helay cabsi weyn oo wejigiisa laga dareemi karro ku beerin,. Sababta oo ah buu yidhi, waayo buu yidhi warkaas iyo mid ka daran ayaa maalin walba xafiiska ina Siyaad ku soo dhacayey, umana diyaar ahayn inuu go’aan ka gaadho deg deg ah ooh awl-wadeenadda uu markaaba farro.
Sarkaalkani waxaa uu sheegay in Siyaad Barre u yeedhay maalmo ka dib Xaashi Weheliye oo ka mid ahaa Tujaarta dalka, waxaana kulankoodii ku biyo shubtay muran iyo dood dhexmartay,
Adeegahan oo soo tabinayay hadalkii ay is weydaarsadeen ayaa waxaa uu yidhi,.  Siyaad ayaa Weydiiyay Xaashi su’aal ahayd sidan: “Xaashi, waan is naqaanay inaan Kacaanku dhalane maxaad ahayd, teeda kale,  maxaan anigu Maxamed ahaan kuu dhimay”
Jawaab ay adeegayaashu u arkayeen Jikaar ayuu bixiyey Xaashi Weheliye, waxaana uu yidhi “Muraadkayagu waa dalka oo lagu xukumo Shareecda islaamka, Lana magacaabo guddi shuura’ oo inta kala guurka dalka sii maamusha” iyo warar badan uu raaciyey
Siyaad Barre oo u jawaabay Xaashi ku yidhi; “Xaashiyow anigua kuguma ogeyn wadaad oo waan u jeeda inaad gabaad ka dhiganeysid diin, waxaanse ku sheegaya diinteenu mid weeye, waxaana nahay ummad wada islaama, mana lihiin gaal masiixiya, oo gaalnimada aad igu sheegeysaan waa baadilnimo .. Waxaad nola timaadeen Ideolojiyad mad-madow diinta aad kaga been sheegeysan oo reer galbeedku ugu tala galay wiiqida midnimada ummada soomaali ee islaamka ah .. doqonimo dhaga weyn indha-adag iyo macagagnimo naar-afuufaya ayaa hadalkaaga ka muuqda, nabada inaad qiimeysan ayaa kheyrku ku jiraa, lacgta Riyaalka Wahaabiyada Sacuudiga iyo dollarka reer yurub ummadey kala geynayaan, waxanse ogahay Xaashiyo qaadirada ku haysa waa qabiilnimo xukun lagu doonayo ee qiirada qabiil yey kula fogaan, laakiin waxaan kalo ku sheegaya nin qabyaalad wax ku doonaya guul ka dheer ee magaca diinta wax yar ka bawsiga ah iyo Aadaanka jihaadka aad ku Qaraabaneysaan waad ku guuldarey-saneysaan, waxuuna Siyaad warkiisi si raaciyey “adiga Xaashiyow cid wax ku dhiibaneysa ama ku darajeyneysa ma jiri-doonaan oo aakhirkaaga waxaad ku dambeyn-doontaa xabsi ama dil ay ku maleegaan kuwa hadda kugu shaqeysanaya ee ilka-casta soo hayaantay .
Xaashi Weheliye beel ahaan waxuu ka soo jeeday beesha Murursade, hasa-ahaate dhalasho ahaan ayaa inta bada dadku u aqoonsanaa-yeen inu asl ahaan ka soo jeeday beesha Amaanle harti-daarood, waxaana taas lagu xaqiiqsaday xigtadiisa qaar ka mida oo weli ku nool dhinaca Bari, laakiin Xaashi isagu mar kasta waxuu ahaa Oday Murursade una janjeera halkii u ku dhashay kuna dhaqmay isaga iyo aabihiis Weheliye oo ku wada dhashay cariga ceel-buur, laakiin Awoowe ayaa la sheegaa inu xeebaha mandiqadaas ku dhaw dhaw dabaal ku yimi isagoo da’yar .. Xaashi inkasto waqtiyadi kacaanka dhashay u ahaa nin ku caana-maalay ka ganacsiga Nacnaca iyo shukulaatada haddana mudo gaaban ayuu ku noqday maal qabeen iskala-waayey .. hodantinimada sababna u ahayd xoolo badan oo laga amaahiyey Bangiyadi Soomaaliya .. inkasto aan aniga waqtigi bilawga dagaalada sokeeye dalka dibada uga maqnaa xagaa iyo Ameerika, haddana sheekada ka soo baxday dilki Xaashi Weheliye ayaa tilmaameysa iney dileen rag mucaarad ah oo ka soo horjeenstay siyaasadisi Xaashi ee ahayd in dagaalka la joojiyo oo nabad iyo gorgortan u ku tago Siyaad Barre ..sida la sheegeyna Xaashi waxuu durbadiiba saluugay kana carooday baaqi xayuubinta xukunka maxamed Siyaadd oo Rag qaarkiis u badaleen baaq dhiiri-galin gumaad reero gaara, oo laaiq ku ahayn aragtidi kacdoonka .. sidaa darteed Xaashi Weheliye iyo grubkiisi ayaa arintaa afduub u arkay ganafkana ku dhuftay dhagarta ay la yimaadeen mucaaradkii loobbiga falsafada baduuga wixii aan ahayn USC .. Xaashi ayaa kooxdaas ku yiri; waxaad aad wadaan waa gun-dalabkeed layskumana ogeyn, waana aamin-daro ee Mogdisho noga baxa iyo halkii aad ka timaadeen ayuu Xaashi yiri ..sida warka loo xigtay Xaashi iyo Muuse Boqor iyo rag kale oo majlis fadhiya kana doodaya xaalada cakiran sidi wax looga qaban-lahaa, waxaa madaafic dirad toosan ku soo weeraray garabkii kale ee wadatay afkaarti ku saleysneyd in isir gaara dagaalka lagu jeheeyo taaso ka careysiysay Xaashi Weheliye iyo gurubkii goobta kula dhintayba.
Jaalle Siyaad oo ahaa gorgorkii samada laafyoon jiray leebiga ahaa, ugu dambeyn waxaa ka tagay dareenkii libaax-nimada 70-80 kii uu lahaan jiray oo gacmihiisi laabtay, waxuuna u muuqday nin caleentiisi cadaatay oo ay ka soo hartay il-qoolaadin qura ..M.Siyaad goor dambe ayuu yiqiinsaday in xaaladii nabadgalyo faraha ka sii baxayso alamtara-na soo dhaaftay, waxnna laga qaban-karin oo wixii uu meelaha Rag ka soo qaaday meeley mareen aan la garaneyn, balse isagi ku soo jeesteen markii xilkii loo egmaday gudan kari-waayeen, oo awalba hawsha ku waday Qawda maqashi waxna ha u qaban illa maamulkii isku dhex daatay sidi turubkii laysku dhex shaandheyn jiray, shacbkiina irbad qabyaaladeed inta lagu dhuftay ayuu sidi Qurbac xoolaad dhinac kasta u muqleeynaaya, albaabadi hore la soo jabiyey, darbigi qasriga madaxtooyada laga soo booday .. Siyaad oo bakeyle inu liqo ka yaabaya, waxaa afkiisa mar ka soo baxday wixii ilaahay qoray cidi ma joojin-karto, oo hadana warkiisi raaciyey;  amuur baa socota .. runtana waa laga dheer yahay ..waxaan arkaya shacabkii aan waxa u qabtay oo iga raacay qashaabiirti habaarneyd ee dad-qalka ahayd, diirna aan hambeyn-doonin ..  Ma filaayo shacbku iney iga reysan-doonaan oo dhogor cusub u soo bixi-doonto .. Rabi marag .. Cidna anigu ma habaarayo ee alle isagaa garsoor ah .. ducadeydana allahayow deg deg iga ajiib, ayaa hadal laga maqlo ugu dambeysay saacdo ka hor intusan ka bixin Viila Somaaliya ..Ugu Dambeyn waxaan la ii xaqiijiyey xaaladii jirtay awgeed in Maxamed Siyaad u si aada ugu Oomana kuna faraxsanaa dhimasho halkiisa ugu timaada “Qasrigiisa”.
Araweelonews
Hargeysa Somaliland Office

Saturday, 6 June 2020

BANAANBAXYO KADHACAY DALKA DJIBOUTI OO LAGU DALBANAAYO SIIDAYNTA FU,AAD YUUSUF CALI

BANAANBAXYO KADHACAY DALKA DJIBOUTI OO LAGU DALBANAAYO SIIDAYNTA FU,AAD YUUSUF CALI
fuaad yuusuf cali duuliye reer Djibouti ah 


Waa kuma Fu'aad Yuusuf Cali, Duuliyaha ka soo dhex hadlay xabsiga Jabuuti?

Fu'aad Yuusuf Cali, oo ahaa duuliye ciidan, ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ka dib markii uu dhalleeceeyay "cadaalad darrada ka dhex jirta Milatariga dalkaas," sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay.
Fu'aad waxa uu ka tirsanaa ciidamada cirka Jabuuti. Muddo toban sano ah, wuxuuna ku "andacoonayaa inuu la kulmay taciddiyo kala duwan iyo cadaalad darro".

Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro Yuusuf oo Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo.

Horraantii bishii April, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa.

Ka dibna waxaa bilowday Olole dhanka online-ka ah oo lagu dalbanayay in xorriyadiisa loo soo celiyo, hase yeeshee dowladda Itoobiya wax jawaab ah kama aysan bixin.


Musqul xabsi looga dhigay ayuu video kasoo dhex duubay


Taariikhda Fu'aad oo kooban

Fu'aad wuxuu Bishii October ee 1983-dii ku dhashay Magaalada Jabuuti, gaar ahaan xaafadda Xayaabley, halkaas oo uu ku korey.

Duuliyahan u xiran dowladda Jabuuti wuxuu dhalay toddobo carruur ah oo kala ah 5 will iyo 2 gabdhood.
Wuxuu wax ka bartay jaamacadda jibuuti, oo uu dhammeeyay sannadkii 2003-dii.

Ciidammada wuxuu ku biiray 2006, waxaana loo diray dalka Morocco oo uu ku soo qaatay tababarka Duuliye. Afar sano ayuu halkaas ku maqnaa.

2010 wuxuu shaqo ka billaabay xerada ciidammada cirka Jabuuti, waxaana la siiyay xiddig.

2014 waxaa loo diray koonfur Afrika si uu usoo qaato tababar dheeraad oo duuliyanimada. Laba sano ayuu ku maqnaa

2019 ayaa laba xidigle laga dhigay

Bishii March 27, ee sannadkan ayuu dhinaca itoobiya u goostay

Magangalyo ayuu bishii April weydiistay Itoobiya

15 April Itoobiya waxay ku soo wareejisay Jibuuti

Xaaskiisa oo xogtaas oo dhan u xaqiijisay BBC News Somali ayaa sheegtay in ay "aaminsantahay in sirdoonka itoobiya ay ku wareejiyeen" dowladda Jabuuti.

Xigasho: BBC






Ugu dambayntii fu,aad yuusuf cali wuxuu ubaahanyahay inuu cadaalad helo 

GEERIDII CABDI TAHLIIL WARSAME 2020

ilaahey ha unaxariisto fanaankii soomaaliyeed ee Cabdi Tahliil Warsame 





  • Cabdi Tahliil Warsame  sannadkii 1952 ayuu ku dhashay Wardheer, dhammaadka sannadkii 1968 ayuu qaaday heestii koowaad oo  ahayd "Jir-jirkiyo Dartaabaan jeegada u aallaa jalkii qaadan waayey".waxaana erayada allifay Abwaan Sulub Cumar Axmed .



    1. Sannadkii 1969 oo ahayd markii uu bartay tumista Kabanka ayuu Axmed Saleebaan Bidde u dhiibay heestii labaad ee uu  Cabdi Tahliil qaado oo ahayd heesta Onkod oo uu isagu laxamaystay(Cabdi Tahliil).
    2. Sannadkii 1971 oo ahayd markii la furay Tartanka heesaha hirgalay ayuu ka mid noqday hobolo u ku tartamay heesidda oo ay ka mid ahaayeen, Muxsin Cabdalla oo isagu hore Ethiopia uga heesi jiray, Cumar Nuur Cabdille,  Cabdullaahi Cumar Xarrago jecel/Xarrago, Cabdi Xasan Dige , Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Ruqiya Cali Guutaale.
    3. Kooxdan tartantay Xasan Aadan oo keliya ayaa Waaberi ku biiray.
    4. Cabdi Tahliil gaarkiisa ayuu u heesi jiray , ka dib wasaaradda maaliyadda ayuu shaqaale ka noqday wuxuuna maamulka xisaabaadka  ka ahaa gobolka Bari , wuxuuna ahaa nin fan ahaan isku filan oo haddii uu erayo helo isagu laxamaysan kara , Muusik saaran kara sidoo kalena codkiisa ku qaadi kara.
    5. Wuxuu soo saaray heeso badan oo keligii ah marka laga soo tago haween kooban oo uu la heesay sida  Faadumo Duur oo ay gobolka bari kuwada noolaayeen intii ayna Faadumo u wareegin Muqdisho iyo kooxdii booliska ee Heegan, Marwo Maxamed Cabdi  iyo Shankaroon Axmed Yuusuf (Sagal).
    6. Wuxuu Cabdi Tahliil la shaqayn jiray kooxdii Danan ee ururka dhallinyarada. Ilaa uu Waaberi la shaqeeyey horaantii Sideetamaadkii.
    7. Wuxuu in badan ka heesay waddaniyadda iyo qaabka loobaahanyahay in umadda loogu shaqeeyo, madaama uu ahaa nin wax ka yaqaanna maamulka xafiis.
    8. Sannadkii 2000 xilligii uu socday shirkii Soomaaliya  dowladnimada loogu raadinayey ayuu Cabdi Tahliil ku xanuusaday magaalada Carta , xanuunkaasi oo marxalado kala duwan la soo maray ayuu ugu dambayntii u geeriyooday
    9. Alle ha janneeyo.

    10. W/D: Cumar Seerbiya





    Wednesday, 3 June 2020

    DOWLADA SOMALIA OO LUMINAYSA XUBINIMADA QARAMADA MIDOOBEY

    Home GUDAHA/wararka GUDAHA/WARARKAWARARKA-GUDAHA/DIBADDA Dowladda Soomaaliya oo Qarka u saaran in ay Lumiso xubinnimada & codeynta golaha guud QM. By General Editor - 3rd June 20200 Dowladda Soomaaliya waxa ay lumineysaa xaqa codeynta Golayaasha QM haddii aysan tallaabo dedge ah qaadin Labada todobaad ee ugu horeysa bisha June-2020, arrintaas waxa ay meel adag dhigi doonta kiiska dacwada Badda Soomaaliya. Diblomaasi Soomaali ah ayaa u sheegay Warbaahinta Mustaqbal in uu ka warqabo dhaqdhaqaaq iyo qorshe Kenya ay ku doonayso in kalFadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee QM ee la qorsheynayo in uu furmo Talaado 15 September 2020, looga hadlo muran baddeedka dacwada badda Soomaaliya oo Kenya iskudeyeyso bad-ballaarsi kadhan ah Qaanuunka caalamiga ah iyo dhaqanka derisnimada, halka ergada Dowlada Soomaaliya ay ka soo qeybgali doonaan ayaga oo dhegeystayaal ah islamarkaana aan wax cod ah ku lahayn fagaarahaas, taas oo aan wiiqi doonin oo kali ah xaqa codeyta balse sidoo kale aad u yareyn doonta fursadaha galaangalka xubnaha. Inkasta oo QM digniin hore siiyey dowladda Soomaaliya illaa haddana sida ka muuqata warqada xoghayaha Guud ee u direy madaxaweynaha Golaha Guud ee QM 7dii January 2020 Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxa ay kujirtaa liiska dalka aan weli bixin lacagta xubinimada, dalalka kujira Liiskan oo aan mid mid u dabagalnay waxa aan ogaanay Gambia, Lubnaan, Tonga iyo Yamen in ay is xalliyeen oo ay Liiska ku hareen Waddamada aan dowladahoodu xeerin xiriirka caalamiga ah iyo Waxtarka xubinnimada QM. Report 2 Fadhigan weli lama hubin qabsoomidiisa maadaama ay adkaan doonto in 193 madax dowladeed ay ka soo qeybgalaan kulanka iyada oo uu jiro Fayraska COVID-19, isla markaana waxa socda dhaq-dhaqaayo la xiriira in dib loo dhigo ama la joojiyo fadhiga Guud ee QM Sanadka 2020. Haddaba sidee ayey ku dhacaysaa ama suuragal u tahay in Soomaaliya weyso ama lumiso xaqa codeynta? Dowladda Soomaaliya waxa ay xubin ka ahayd hay’adda ugu weyn ee diblomaasiyadda Aduunka ee QM laga soo billaabo 20 September 1960, waxa ayna si joogto ah u bixinaysay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed qaaraanka sanadlaha ah ee Xubinimada QM ilaa ay bixinta lacagtaas istaagtay bishii Oktober 1989 Report 1 Laga soo bilaabo soo noqoshada Soomaaliya ee fagaarayaasha iyo golayaasha caalamiga ah iyo ka qeybgalkeeda fadhiyada Qaramada Midoobey ee Dowladdi kmg ahayd ee Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad Xasan waxa jirtay in Xukuumadahii isaga dambeeyey Soomaaliya dhowr mar loo soo jeediyey digniin la xiriirta bixinta Qaaraanka iyo haddii ay danaynayaan in ay galaan heshiis lagu qorsheeya bixinta qaaraanka ku arruurey Dalkan. Balse nasiib daro waxaa dhacday in xukuumadahaasi kari waayeen waxna ka qaban waayeen codsiyadii kala duwaanaa ee QM-ka oo u arkaysay dalka Soomaaliya dal ay balaayo ku habsatay oo kujira duruuf gaar ah oo dhashay xaaladdo ka baxsan awoodda Dowladda sidaa daraadeedna uu mudanyahay tixgelin iyo taagero gaar ahaaneed.. galaangal iyo dabagal la’aanta xaaladda xubinimada Soomaaliya ee QM ayaa keentay in ugu dambeyntii lagu wargeliyo Dowladda Soomaaliya in laga joojin doono xaqa codeynta ee Fagaarayaasha QM haddii aysan keenin qorshe dhamaystiran oo la xiriiria dib-u bixinta qaaraanka xubbinada QM, haddii kale lagu qaadi doono Qodobka Article 19-aad ee Axdiga QM ee ku hoos jira Cutubka Afaraad ee Golaha Guud ee QM oo u dhigan sidan:- “In xubin kasta oo uu ku Arruuro qaaraan la’eg ama kabadan lacagta xubinimadiisa ee labadii sano ee la soo dhaafay in aysan wax cod ah ku yeelan doonin fadhiga Golaha guud ee QM, balse Golaha Guud ee QM ayaa laga yaabaa in uu u ogolaado xubintaas in ay codeyso haddii ay ku qanciso xubnaha in sababta ay u bixin weysay qaaraanka ay tahay sabab ka baxsan awooddeeda” H.E. Mr. Abukar Dahir Osman Jiitaankaas dheer iyo maareyn la’aanta bixinta lacagta xubinnimada Soomaaliya ee QM waxa ay keentay in 9-May 2019 Ergayga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobey uu warqad u qoro madaxweynaha Golaha Guud ee QM taas oo uu ku sheegayo kuna dalbanaayo in dalkiis uu ku jiro xaalad gaar ah una baahan yahay in loo ogolaado xaqa Codeynta ee Fadhiga Guud ee QM. Sidaas oo kale Ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey waxa uu ka soo hor muuqdey Guddiga Qaaraanka iyo dhaqaale arruurinta fadhigiisii 7-aad ee ka dhacay 3-21 June 2019 Magaalada Newyork, Ergayga ayaa u sheegay Guddiga in dowladda Soomaaliya ay soo gudbin doonto qorshe sanado badan qaadanaya oo ay ku yaryaraynayso qaaraanka ku arruuray ee lagu leeyahay dalka marka xaalada Waddanku soo hagaagto. Diblomaasi Soomaaliyeed oo ka howgala Wasaaaradda arraimaha dibadda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Mustaqbal in Guddiga Qaaraanka iyo Dhaqaale arruurinta QM ay niyadjab ku noqday in Ergaygu uusan wadin wax qorshe ah oo uu ku yaryaraynayo daynta iyo inta sano ee ay awoodo Soomaaliya in ay ku bixiso lacagta, taas oo ay u furnaayeen fursado badan maadaama fadhigii hore ee Guddiga ee 6-aad la isku raacay in qorshahaas oo dhamaystiran loo soo gudbiyo fadhiga 7-aad taas oo aanan suurtogelinin, balse ergayga ayaa sidoo kale Guddiga ku kadiyey in uusan wadin qorshe balse Soomaaliaya ay soo xawishay lacag dhan $4,923 oo noqonaysa lacagtii ugu horeysay ee Soomaliya laga helo tan iyo Oktober 1989. Lacagta xubbinimada QM ee ku aruurtay Soomaaliya waxa ay dhantahay $1,519,402, waxaana laga doonayaa Soomaaliya in ay bixiso lacag dhan $1,419,706 si uusan u qaban Qodobka 19-aad ee Axdiga QM ee ku hoos jira Cutubka Afaraad ee Golaha Guud ee QM. Waxa aan isku daynay in aan booqano bogga Interner-ka ee Ergada Soomaaliya u fadhiya QM si aan uga helno wararka ku saabsan howlaha xafiiska balse xog lagu daabaco iyo macluumaad la soo geliyo waxa ugu dambeysay 28 November 2008, haa waa 2008 oo ah 12 sano ka hor Guddiga QM ee qaaraanka xubinnimada ayaa gunaanadkii ku talo bixiyey in dalka Soomaaliya uu ku jiro xaalad gaar ah oo ka baxsan Awooda dowladda sidaa darteedna waxa loo ogolaaday in ay codeyso ilaa iyo dhamaaadka fadhiga 74-aad ee Golaha Guud ee QM ee bilawday Sept 2019 kuna eg ilaa billowga howlaha Fadhiga Guud ee QM ee 75-aad oo bilaaban doona Talaado 15 September 2020 18-kii October 2019 Si Waafaqsan talosoojeedintii GuddigaWaxaa loo ansixiyey dowladdaha Comoros, Tome and Principe iyo Somalia in ay codeeyaan inta ay socdaan howlaha Fadhiga 74-aad Golaha Guud QM halka loo diidey in codeeyaan fadhigaas 74-aad dalalkakala ah Central African Republic iyo Venezuela. Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in Guddiga Qaaraan uruurinta ee Golaha Guud (Contribution committee) go’aanka ka gaarayo ogolaanshaha iyo diidmada xaqa codeynta Soomaaliya haddii aysan dowladdu qaadin talaabo kale, xubnaha Guddigan oo la magacaabay 11 July 2019, waxa kamid ah Kenya waxaana ku metela Robert Mule kaas oo ay dhamaan doono muddo xileedkiisu 31 Disember 2021, xubnaha kale ee Afrika ku metela Guddiga waxa kamid ah Senigal iyo Gabon oo nasiib darro Soomaaliya aanay la lahayn xiriir diplomaasiyadeed oo la sheego. Balaayada kale ee intaas kadaran waxa ay tahay in dowladda Soomaaliya ay u codeysay xubinnimada Kenya ee Guddiga Qaaraan iyo dhaqaale uruurinta QM taas oo ay Kenya ugu tartantahay si wafaqsan qodobka 159 ee xeer-hoosaadka Golaha Guud ee QM., Hubaal ayay ahayd waana ogeyd Dowladda Soomaaliya in u codeynta Kenya in xubinnimada Guddiga Qaaraan iyo dhaqaale uruurinta QM ay Mustaqbalka mushkilad diblomaasiyadeed ku noqon doonto xalka xubinta Soomaaliya. Haddaba maxaa la gudboon Dalkan & madaxda maanta talada haysa? Hadda Soomaaliya waxa ay haystaa fursad kale oo dahabi ah, 2 todobaad ayaa kadhimman ka faa’iideysiga fursaddaas, Ergeyga Soomaaliya ee QM ee jooga Newyork ayaa markale ka hormuuqan kara guddiga una u gudbin kara qorshaha bixinta iyo yaryaraynta qaaraanka ku arruuray Soomaaliya oo laga sugaayey 18-kii sano ee ugu dambaysay si ay u ansxiyo Guddiga Qaaraanka iyo Dhaqaale Urruurinta QM (Contributions Committee) , lacag yaryaraynta oo ku xiran galaangalka dalalka iyo duruufahooda ayaa waxa ay hay’addaha QM qaarkood aqbalaan ilaa 10 sano oo ah qorshaha yaryareynta Qaaraanka. Guddiga qaaraanka iyo dhaqaale urruurinta ayaa fadhigiisa 8-aad waxa uu ku kulmi doona Magaalada Newyork 1 – 19 June 2020. si ay u ansixiyaan codsiyada la xiriira xalinta wadamada uu qabtay qodobka 19-aad ee cahdiga QM. Haddaba Kulanka 8-aad ee Guddiga qaaraanka iyo dhaqaale urruurinta ee qorsheysan labada todobaad ee ugu horeysa bisha June sida kucad qorshaha Guddiga waa in dhammaan codsiyada loo gudbiyaa madaxweynaha Golaha Guud ee QM. Si uu guddiga ugu wareejiyo Guddiga. Haddaba dowladda Soomaaliya waxa ay helikartaa tixgelin gaar ah madaama la islaqirey duruufaha gaarka ah ee dalka ka taagan, sidaas awgeed xalka ugu dhow waa in ay si degdeg ah u sameyso codsigaar ah. Lacagta qaaraanka ah ee arruurtay waxa ay Soomaaliy aka bixin kartaa daqaalaha deeqda ah ee gaartay maalaayiinta dollar ee ay ku deeqeen dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya si loogu fududeeyo howlaha maxkamadda, lacagtaas oo uu maamulo xafiiska RW ayaa waxaa jirta inaysan soo marin kana mid ahayn miisaaniyadda dowladda, intaas waxa dheer in aan marna la soo gudbin xisaabcelin ku saabsan lacagaha lagu deeqday waddan, tirada la isticmaalay iyo sida ay ku baxday. Maqnaanshaha codka iyo xubinimada Soomaaliya ee Fadhiyada QM waxa uu laf dhuungashay ku noqon doonaa fursadda ay Soomaaliya si firfircoon uga qeybqaadashada diblomaasiyadda adduunka, waxa uu caqabad ku noqon doonaa ka jawaabidda soojeedin walba oo la xiriirta kiiska dacwadda badda Soomaaliya oo ay keento kenya fadhga Golaha Guud. Maqnaanshaha codka iyo xubinimada Soomaaliya waxaa suu sidoo kale fursad siin doonaa tartanka kursiga Golaha Ammaanka ee aan joogtada ahayn oo ay isku wajihi doonaan dalalka Kenya iyo Djibouti. Jabuuti waxa ay ku tashanaysaa Codka Soomaaliya oo uu u balanqaadey madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo aan weli la hubin in Soomaaliya cod ku yeelan doonto fadhigaas. Sidaas si la mid ah dowladda Soomaaliya waxa ay dhibaato ka haysataa kaqaybgalka codeynta iyo ka faa’iideysiga xilalka iyo fursadaha Ururada IGAD, Midawdga Afrika iyo Ururka Islaamka sababta haddii aad raadineysana waa in Wadankaaga uu ku baaqday kuna arruuray qaaraanka xubinnimada ee ururadaas, illaa haddana Siyaasadda arrimaha dibadda ee Waddanku kuma guuleysan sameynta iyo dejinta qorshaha dib u bixinta qaaraanka, ma raadsan mana diyaarin inta la ogyahay adeegga u-qareemid cafis. Haddaba haddii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay maareyn la’dahay qaaraanka iyo xubinnimada Soomaaliya ee QM sidee u horseedi kartaa in Waddanku ku guuleysto Kiiska dacwadda Badda Soomaaliya? Halkan ka daawo warbixinta oo Muuqaal ah

    Friday, 29 May 2020

    Dilkii loo geystay 8_da dhalinyarada ee lagu xasuuqay deegaanka Gololey

    Dilkii loo geystay 8_da dhalinyarada ee lagu xasuuqay deegaanka Gololey 

    Waa qaar kamid ah aabayaasha dhalay wiilashii lagu xasuuqay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe 
    Waxay ku eedaynaayaan inay kadambeeyeen dilka wiilashooda ciidamo katirsan dowlada federalka somalia 
    Oo hore deegaankaas Alshabaab gawaari uga gubeen 


    Waxay ahaayeen dhalinyaro kaqayb qaadanaaya hormarinta deegaanka iyo badbaadinta nafta

    Inkastoo aan laxaqiijin cida sida tooska ah uga dambeysay dilka dhalinyaradaan 
    Hadana waxaa jira tuhun dadka deegaanka ay kaqabaan dowlada federalka somalia 

    Wixii kusoo kordha kala soco halkaan

    Thursday, 28 May 2020

    SHEEKADA DILKA GEORGE FLOYD, NIN MADOW AH

    SHEEKADA DILKA GEORGE FLOYD, NIN MADOW AH 
    Gobolka minisota magaalada Minneapolis waxaa kadhacay dhacdo cajiib ah Taas oo ah in nin African American ah lagu dilay ceego waliba uu dilay askari police ah

    Xaaladu waxay kasii dartay markii askari police ka ah uu si bareer cad waliba laduubanaayo uu udilay ninkaan madowga AH George floyd wuxuu kuqaylinaayey "i can't breathe "maneefsankaro "

    Run ahaantii waa dhacdo xanuun badan muujinaysana heerka cunsurinimada dadka cadaanka ah kulakacaan dadka mowga ah 
    Dad caraysan oo kasoo horjeedaSHEEKADA DILKA GEORGE FLOYD, NIN MADOW AH 
    Gobolka minisota magaalada Minneapolis waxaa kadhacay dhacdo cajiib ah Taas oo ah in nin African American ah lagu dilay ceego waliba uu dilay askari police ah

    Xaaladu waxay kasii dartay markii askari police ka ah uu si bareer cad waliba laduubanaayo uu udilay ninkaan madowga AH George floyd wuxuu kuqaylinaayey "i can't breathe "maneefsankaro "

    Run ahaantii waa dhacdo xanuun badan muujinaysana heerka cunsurinimada dadka cadaanka ah kulakacaan dadka mowga ah 
    Dad kacarooday dilkii George floydDILKA GEORGE FLOYD  wuxuu dhaliyey Caro aad uwayn Waxaana kadhashay banaanbaxyo lagu dalbanaayo in cadaalada lamariyo askarigaan cunsuriga ah  

    Dhacdadaan kudhacday George floyd ma ahan dhacdadii ugu horaysay oo nuuceedaah oo kadhacada 
    DALKA MARAYKANKA (USA) 

    Arimaha cunsurinimada waxay aad ubateen inta uu xilka hayo madaxwayne Donald Trump oo isaga laf ahaantiisa lagu tilmaamo inuu cunsuri yahay 

    Police-ka maraykanka waa kooxda ugu badan oo siyaabo kala duwan udila dadka madowga ee asal ahaan kasoo jeeda Africa 
    Dhacdadaan waxay noqotay arin muujinaysa heerka dadka cadaanka cunsurinimadoodu marayso 
    Sidoo kalena arintaan waxay cabsi wayn ku abuurtay dadka madowga AH 

    Maraykanka xaaladaas ayuu kataagan 



    Friday, 22 May 2020

    Qaayib

    Deegaanka qaayib waxuu dhacaa koonfur Bari gobolka galgaduud ee bartamaha soomaaliya deegaankaan waxaa jira waxyaabo uu uga duwanyahay deegaanada kale waana mid ilaahey kumanaystay taasoo ay kamid tahay * shidaalka * macdanta * dhul daaqsinta * beeraha Iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo goobi karin WAAYIHII HORE EE DEEGAANKA QAAYIB qaayib waxay leeyahay taariikh fog mid dhaqaale iyo mid istaraatiijiyadeedba Qaayib waxaa deganaa jiray waax kamid ah gumaystihii talyaaniga waxayna kulahaayeen * xarumo shidaal * iyo ceel biyoodyo Waxay kasamaysteen garoon diyaaradeed Waxaan dhihi karnaa qaayib waa meel ay kuqanceen joogisteeda gumaystihii talyaaniga DEEGAANADA HOOSYIMAADA QAAYIB 1-Cali wayd 2-dhuumoodle 3-ciinley 4-qalaanqal 5-hamcaduur 6-haanlabile 7-calishige 8-baalaldheer 9-maraayo 10-jilbisyaale 11_godmaraay 12-dhisaq shurufle 13-magyooleey 14-godshilan Iyo deegaano kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin

    Muranka badda ee udhaxeeya soomaaliya iyo Kenya

    Cadaadiska Kenya miyaa khilaaf ka dhex abuuray dowladda Soomaaliya? 28 Maajo 2019 La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan Messenger La wadaag qodobkan Twitter La wadaag qodobkan Email La wadaag FARMAAJO AND UHURULahaanshaha sawirkaVILLA SOMALIA Waxa wali sii xumaanaya xirriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya,halka ay Kenya qaaday talaabooyin dhowr ah oo ay kaga baxaysay heshiishyo ay hore uwada galeen Soomaaliya. XAYEYSIIN Muddo yar ka dib dawlada Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed ay jawaab kaga bixinaysay talaabooyin diblamasiyadeed ee ay Kenya ka qaaday masuuliyiin ka tirsan dawlada Soomaaliya oo doonayay in ay shir kaga qayb galaan Kenya oo garoonka dib looga celiyay war saxaafadeedkan waxaa kamid ahaa, war saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda caafimaadka oo ay kaga dalbanayso hay'adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi in aysan wax shirar ah oo Soomaaliya Khuseeya aysan ku qaban Kenya, halka ay soo jeediyeen in dalka gudihiisa lagu qabto ama wadamo ku haboon socdaalka oo si fudud lagu tagi karo. Maalintii shalay waxa magaalada Nairobi ka qabsoomay shir ay ka qayb galeen masuuliyiin isugu jira heer federaal iyo maamul goboleed. ''Shirkani wuxu ahaa sanad guuradii UN- Habitat oo markii u horeysay lagu qabtay Afrika, waxa furay madaxweynaha dawlada Kenya Uhuru Kenyatta, Soomaaliya waxa laga casuumay Gudoomiyaal badan iyo wasiirka hawlaha guud iyo dibu dhiska, Gudoomiyaasha qaar ayaan iman iyo aniga oo ka socday saafarada, muhiimada ugu wayn ee looga hadlay waxay ahayd magaalaynta dadkii ka soo tagaya Miyiga'' sidaa waxa BBC-da u sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxmuud Axmed Tarsan. Qeylo dhaan lagasoo saaray khilaafka cirka isku shareeray ee Kenya iyo Soomaaliya Tallaabada Kenya ma tahay mid Soomaaliya lagu cadaadinayo in wada xaajood lagu xalliyo muranka badda? Soomaalida Kenya siday uga falceliyeen khilaafka Kenya iyo Soomaaliya? Muxuu u shaqeyn waayay go'aankii wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ee shirarka Kenya Mudo yar kadib markii laga hor istaagay masuuliyiin ka socda dawlada Soomaaliya in ay gudaha u galaan Dalka Kenya si ay uga qayb galaan kulamada shirarka lagu qabto ee Kenya, ayaa waxa shirkii u horeyey ka qayb galay wafti uu hogaaminay wasiirka Hawlaha Guud iyo Dibu dajinta dawlada Soomaaliya, mar aan wax aka waydiinay Tarsan war saxaafadeedkii wasaarada caafimaadka waxay u dhinac mareen wuxuu ku jawabay, Maxmuud Axmed Tarsan. Image caption Maxmuud Axmed Tarsan. ''Siyaasadda arimaha dibada dalka waxa hogaamiya wasaarada arimaha dibada,wasaarad kale oo laga wareysanayo wax ku saabsan arimaha dibada ma jirto,waxa ay soo saarto wasaarada arimaha dibada ayaa magaca dawlada ku hadlaya, mar aanu kulan jimcihii wasiiradda arimaha dibada Kenya Monica Juma waxay ii sheegtay in ay ka jawaabi doonaan war saxafadeedkii ay soo saaratay Soomaaliya.'' Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii xumaanayay tan iyo markii maxkamadda cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ la isla aadeen, taas oo uu ka dhashay muran dhanka xuduudda badda ah oo u dhexeeya labada waddan. In kastoo Kenya ay shuruucdan ugu muuqato cadaadis la saarayo, haddana dowladda federaalka Soomaaliya waxay shaacisay in ay sii wadi doonto soo dhaweynta dadka u dhashay Kenya ee Soomaaliya safarada ku taga. "Dowladda Soomaaliya waxaa dhankeeda ka go'an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxayna sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya", ayaa lagu yiri war saxaafadeedkii ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya soo saartay

    Thursday, 21 May 2020

    QADIYADA BADDA EE SOOMAALIYA IYO KENYA

    QADIYADDA DACWADA BADDA. Tallaabada ay maxkamadda ICJ markii saddexaad dib ugu dhigtay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa ku jira tuhun badan, waana arrin u baahan iney Dowladda Soomaali ka bixiso faah faahin maangal ah, oo ay Shacabku ku qanci karaan. Inaan saddexdda jeerba la aqbalin codsiga Soomaaliya, oo mar walba ay maxkamaddu u jawaabeyso hal dhinac ayaa sidoo kale cabsi iyo shaki leh, ma Soomaaliya ayaan diidmo muujin, ma maxkamadda ayaa hal dhinac noqotay, ma dadka na matallaya ayaan aheyn kuwii saxda ahaa mise waxaa jira wax kaloo qarsoon, oo shacabka lagala cabsanayo ?!!. Waa nasiib daro weyn inuu madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa wax horumar ah oo muuqda aysan ku kordhin dacwada Badda, oo ah qadiyad qaran oo masiiri ah . Arrintu labbo ayey mid noqon kartaa in aaney Dowladdu wax dadaal iyo ahmiyad ah aysan siinin arinka dacwada badda, oo hal dhinac ay shaqadu iska wataan ama iney dowladdu ka waddo howlo qarsoodi ah maxkamadda banaankeeda.Si qadiyadda loogu xaliyo hanaan ka baxsan garsoorka. Haddaba mid ay tahayba waa ayaan darro waana wax mugdi galineya xaqa iyo xuquuqda umadda Soomaaliyeed. Maadaama kiiska loo dhigay bisha March 2021, waxaa madaxda Dowladda Federaalka ah la gudboon iney shacabka u daacad warramaan billaha yar ee u dhiman. Arrintani waa qadiyad Qaran, mana ahan wax ay dhowr qof isku koobi karaan, sidaa darteed waa in dadweynaha Soomaaliyeed loo daacad hadlaa, hadii kale taariikh xumo ayey dadka qaarkiis xambaarsan doonaan. Qofkuna inta uu xafiiska joogo sida hadalkiisa loo fasiranaayo iyo markii uu berri xilka ka tago waa kala nooc, sidaa darteed madaxweyne Farmaajo waa inuusan fursadda iska lumin. Guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna waa iney aad u hubiyaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee kiiska Badda. Cabsi xoogleh ayaa noo muuqata mana ahan in la sahashado xaaladdan. W/Q: Abdikarin Hussein Guled Madaxweynihii hore ee Galmudug. |Ali aadan muumin

    Todobaadka xoriyada soomaaliya

    Xuska sanadguurada madaxbanaanida somalia Mdaxweyne Farmaajo oo Hambalyo Xoriyada iyo Midnimada u diray Shacabka Somaaliyeed. Madaxwey...