Friday, 29 May 2020

Dilkii loo geystay 8_da dhalinyarada ee lagu xasuuqay deegaanka Gololey

Dilkii loo geystay 8_da dhalinyarada ee lagu xasuuqay deegaanka Gololey 

Waa qaar kamid ah aabayaasha dhalay wiilashii lagu xasuuqay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeellada Dhexe 
Waxay ku eedaynaayaan inay kadambeeyeen dilka wiilashooda ciidamo katirsan dowlada federalka somalia 
Oo hore deegaankaas Alshabaab gawaari uga gubeen 


Waxay ahaayeen dhalinyaro kaqayb qaadanaaya hormarinta deegaanka iyo badbaadinta nafta

Inkastoo aan laxaqiijin cida sida tooska ah uga dambeysay dilka dhalinyaradaan 
Hadana waxaa jira tuhun dadka deegaanka ay kaqabaan dowlada federalka somalia 

Wixii kusoo kordha kala soco halkaan

Thursday, 28 May 2020

SHEEKADA DILKA GEORGE FLOYD, NIN MADOW AH

SHEEKADA DILKA GEORGE FLOYD, NIN MADOW AH 
Gobolka minisota magaalada Minneapolis waxaa kadhacay dhacdo cajiib ah Taas oo ah in nin African American ah lagu dilay ceego waliba uu dilay askari police ah

Xaaladu waxay kasii dartay markii askari police ka ah uu si bareer cad waliba laduubanaayo uu udilay ninkaan madowga AH George floyd wuxuu kuqaylinaayey "i can't breathe "maneefsankaro "

Run ahaantii waa dhacdo xanuun badan muujinaysana heerka cunsurinimada dadka cadaanka ah kulakacaan dadka mowga ah 
Dad caraysan oo kasoo horjeedaSHEEKADA DILKA GEORGE FLOYD, NIN MADOW AH 
Gobolka minisota magaalada Minneapolis waxaa kadhacay dhacdo cajiib ah Taas oo ah in nin African American ah lagu dilay ceego waliba uu dilay askari police ah

Xaaladu waxay kasii dartay markii askari police ka ah uu si bareer cad waliba laduubanaayo uu udilay ninkaan madowga AH George floyd wuxuu kuqaylinaayey "i can't breathe "maneefsankaro "

Run ahaantii waa dhacdo xanuun badan muujinaysana heerka cunsurinimada dadka cadaanka ah kulakacaan dadka mowga ah 
Dad kacarooday dilkii George floydDILKA GEORGE FLOYD  wuxuu dhaliyey Caro aad uwayn Waxaana kadhashay banaanbaxyo lagu dalbanaayo in cadaalada lamariyo askarigaan cunsuriga ah  

Dhacdadaan kudhacday George floyd ma ahan dhacdadii ugu horaysay oo nuuceedaah oo kadhacada 
DALKA MARAYKANKA (USA) 

Arimaha cunsurinimada waxay aad ubateen inta uu xilka hayo madaxwayne Donald Trump oo isaga laf ahaantiisa lagu tilmaamo inuu cunsuri yahay 

Police-ka maraykanka waa kooxda ugu badan oo siyaabo kala duwan udila dadka madowga ee asal ahaan kasoo jeeda Africa 
Dhacdadaan waxay noqotay arin muujinaysa heerka dadka cadaanka cunsurinimadoodu marayso 
Sidoo kalena arintaan waxay cabsi wayn ku abuurtay dadka madowga AH 

Maraykanka xaaladaas ayuu kataagan 



Friday, 22 May 2020

Qaayib

Deegaanka qaayib waxuu dhacaa koonfur Bari gobolka galgaduud ee bartamaha soomaaliya deegaankaan waxaa jira waxyaabo uu uga duwanyahay deegaanada kale waana mid ilaahey kumanaystay taasoo ay kamid tahay * shidaalka * macdanta * dhul daaqsinta * beeraha Iyo kuwa kale oo aan halkaan lagu soo goobi karin WAAYIHII HORE EE DEEGAANKA QAAYIB qaayib waxay leeyahay taariikh fog mid dhaqaale iyo mid istaraatiijiyadeedba Qaayib waxaa deganaa jiray waax kamid ah gumaystihii talyaaniga waxayna kulahaayeen * xarumo shidaal * iyo ceel biyoodyo Waxay kasamaysteen garoon diyaaradeed Waxaan dhihi karnaa qaayib waa meel ay kuqanceen joogisteeda gumaystihii talyaaniga DEEGAANADA HOOSYIMAADA QAAYIB 1-Cali wayd 2-dhuumoodle 3-ciinley 4-qalaanqal 5-hamcaduur 6-haanlabile 7-calishige 8-baalaldheer 9-maraayo 10-jilbisyaale 11_godmaraay 12-dhisaq shurufle 13-magyooleey 14-godshilan Iyo deegaano kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin

Muranka badda ee udhaxeeya soomaaliya iyo Kenya

Cadaadiska Kenya miyaa khilaaf ka dhex abuuray dowladda Soomaaliya? 28 Maajo 2019 La wadaag qodobkan Facebook La wadaag qodobkan Messenger La wadaag qodobkan Twitter La wadaag qodobkan Email La wadaag FARMAAJO AND UHURULahaanshaha sawirkaVILLA SOMALIA Waxa wali sii xumaanaya xirriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya,halka ay Kenya qaaday talaabooyin dhowr ah oo ay kaga baxaysay heshiishyo ay hore uwada galeen Soomaaliya. XAYEYSIIN Muddo yar ka dib dawlada Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed ay jawaab kaga bixinaysay talaabooyin diblamasiyadeed ee ay Kenya ka qaaday masuuliyiin ka tirsan dawlada Soomaaliya oo doonayay in ay shir kaga qayb galaan Kenya oo garoonka dib looga celiyay war saxaafadeedkan waxaa kamid ahaa, war saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda caafimaadka oo ay kaga dalbanayso hay'adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi in aysan wax shirar ah oo Soomaaliya Khuseeya aysan ku qaban Kenya, halka ay soo jeediyeen in dalka gudihiisa lagu qabto ama wadamo ku haboon socdaalka oo si fudud lagu tagi karo. Maalintii shalay waxa magaalada Nairobi ka qabsoomay shir ay ka qayb galeen masuuliyiin isugu jira heer federaal iyo maamul goboleed. ''Shirkani wuxu ahaa sanad guuradii UN- Habitat oo markii u horeysay lagu qabtay Afrika, waxa furay madaxweynaha dawlada Kenya Uhuru Kenyatta, Soomaaliya waxa laga casuumay Gudoomiyaal badan iyo wasiirka hawlaha guud iyo dibu dhiska, Gudoomiyaasha qaar ayaan iman iyo aniga oo ka socday saafarada, muhiimada ugu wayn ee looga hadlay waxay ahayd magaalaynta dadkii ka soo tagaya Miyiga'' sidaa waxa BBC-da u sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxmuud Axmed Tarsan. Qeylo dhaan lagasoo saaray khilaafka cirka isku shareeray ee Kenya iyo Soomaaliya Tallaabada Kenya ma tahay mid Soomaaliya lagu cadaadinayo in wada xaajood lagu xalliyo muranka badda? Soomaalida Kenya siday uga falceliyeen khilaafka Kenya iyo Soomaaliya? Muxuu u shaqeyn waayay go'aankii wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ee shirarka Kenya Mudo yar kadib markii laga hor istaagay masuuliyiin ka socda dawlada Soomaaliya in ay gudaha u galaan Dalka Kenya si ay uga qayb galaan kulamada shirarka lagu qabto ee Kenya, ayaa waxa shirkii u horeyey ka qayb galay wafti uu hogaaminay wasiirka Hawlaha Guud iyo Dibu dajinta dawlada Soomaaliya, mar aan wax aka waydiinay Tarsan war saxaafadeedkii wasaarada caafimaadka waxay u dhinac mareen wuxuu ku jawabay, Maxmuud Axmed Tarsan. Image caption Maxmuud Axmed Tarsan. ''Siyaasadda arimaha dibada dalka waxa hogaamiya wasaarada arimaha dibada,wasaarad kale oo laga wareysanayo wax ku saabsan arimaha dibada ma jirto,waxa ay soo saarto wasaarada arimaha dibada ayaa magaca dawlada ku hadlaya, mar aanu kulan jimcihii wasiiradda arimaha dibada Kenya Monica Juma waxay ii sheegtay in ay ka jawaabi doonaan war saxafadeedkii ay soo saaratay Soomaaliya.'' Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii xumaanayay tan iyo markii maxkamadda cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ la isla aadeen, taas oo uu ka dhashay muran dhanka xuduudda badda ah oo u dhexeeya labada waddan. In kastoo Kenya ay shuruucdan ugu muuqato cadaadis la saarayo, haddana dowladda federaalka Soomaaliya waxay shaacisay in ay sii wadi doonto soo dhaweynta dadka u dhashay Kenya ee Soomaaliya safarada ku taga. "Dowladda Soomaaliya waxaa dhankeeda ka go'an inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya, waxayna sii wadi doontaa soo dhaweynta muwaadiniinta iyo saraakiisha dowladda Kenya ee Soomaaliya imanaya", ayaa lagu yiri war saxaafadeedkii ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya soo saartay

Thursday, 21 May 2020

QADIYADA BADDA EE SOOMAALIYA IYO KENYA

QADIYADDA DACWADA BADDA. Tallaabada ay maxkamadda ICJ markii saddexaad dib ugu dhigtay dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa ku jira tuhun badan, waana arrin u baahan iney Dowladda Soomaali ka bixiso faah faahin maangal ah, oo ay Shacabku ku qanci karaan. Inaan saddexdda jeerba la aqbalin codsiga Soomaaliya, oo mar walba ay maxkamaddu u jawaabeyso hal dhinac ayaa sidoo kale cabsi iyo shaki leh, ma Soomaaliya ayaan diidmo muujin, ma maxkamadda ayaa hal dhinac noqotay, ma dadka na matallaya ayaan aheyn kuwii saxda ahaa mise waxaa jira wax kaloo qarsoon, oo shacabka lagala cabsanayo ?!!. Waa nasiib daro weyn inuu madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa wax horumar ah oo muuqda aysan ku kordhin dacwada Badda, oo ah qadiyad qaran oo masiiri ah . Arrintu labbo ayey mid noqon kartaa in aaney Dowladdu wax dadaal iyo ahmiyad ah aysan siinin arinka dacwada badda, oo hal dhinac ay shaqadu iska wataan ama iney dowladdu ka waddo howlo qarsoodi ah maxkamadda banaankeeda.Si qadiyadda loogu xaliyo hanaan ka baxsan garsoorka. Haddaba mid ay tahayba waa ayaan darro waana wax mugdi galineya xaqa iyo xuquuqda umadda Soomaaliyeed. Maadaama kiiska loo dhigay bisha March 2021, waxaa madaxda Dowladda Federaalka ah la gudboon iney shacabka u daacad warramaan billaha yar ee u dhiman. Arrintani waa qadiyad Qaran, mana ahan wax ay dhowr qof isku koobi karaan, sidaa darteed waa in dadweynaha Soomaaliyeed loo daacad hadlaa, hadii kale taariikh xumo ayey dadka qaarkiis xambaarsan doonaan. Qofkuna inta uu xafiiska joogo sida hadalkiisa loo fasiranaayo iyo markii uu berri xilka ka tago waa kala nooc, sidaa darteed madaxweyne Farmaajo waa inuusan fursadda iska lumin. Guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna waa iney aad u hubiyaan tallaabooyinkii u dambeeyay ee kiiska Badda. Cabsi xoogleh ayaa noo muuqata mana ahan in la sahashado xaaladdan. W/Q: Abdikarin Hussein Guled Madaxweynihii hore ee Galmudug. |Ali aadan muumin

Monday, 18 May 2020

Arooska Nuurdiin kl iyo atriisho baadiyo 2020

Arooska Nuurdiin kl iyo atriisho baadiyo 2020
Arooska Nuurdiin kl iyo atriisho baadiyo 2020

Xuska 18-ka may ee somaliland

Xuska 18-ka may ee somaliland 
Xuska 18-ka may ee somaliland 

Munaasabbada xusida 18-ka may ee somaliland

Munaasabbada xusida sanadguurada 18-kan may ee somaliland 

Munaasabbada xusida sanadguurada 18-ka may 2020
Munaasabbada ayaa ahayd mid kaduwan kuwii sanadihii hore maadaama uu hada aduunka kajiro cudur dilaa ah 
Taas ayaa sababtay inay kasoo qaybgalaan dad aad uyar oo masuuliyiin ah sida xildhibaano, wasiiro,saraakiil iyo saraakiil xigeen 

Somaliland ayaa kudhawaaqday gooni ugoosadkeeda 18dii may 1991 markii ay dhacday jamhuuriyadii soomaaliya 
Iyadoo siwayn uu uga horyimid ururkii kajiray somaliland  (SNM) markaasna ay kuqasabtay in lala dagaalamo fikirka gooninimada lkn iyadoo intii howshaasi socotay ay kadhasheen arimo aan lamahdin cuqubo iyo xaalad banii aadanimo 

Inkastoo somaliland ay ahayd mid iskeeda iskaga taagan habeen iyo maalina kuriyoota in mar uun la aqoonsan doono hadana shacabkii quus ayey kaqaateen aqoonsiga somaliland madaxwayne kasta oo imaadana wuxuu dhahaayey hada ayaa nala aqoonsanayaa Taas oo ay shacabka soomaaliyeed ee reer somaliland kuwareereen 

Waxaa lasheegaa in muuse biixi yahay dictator kadaran kii siyaad barre maxaa yeelay siyaad barre wuxuu qabtay waxyaabo badan oo xukuumada somaliland aysan kuriyoon inay qabato 
Hadii madaxwaynaha loosoo jeediyo wax dhaliila maba maqlikaro oo saan ayuu dibnaha uqaniinayaa 
Inkastoo somaliland ay kudhawaaqday gooni ugoosadkeeda hadana intii soomaaliya inteeda kale ay kujirtay dowlad la,aanta iyo dagaalada sokeeye somaliland waxaa kajiray xasilooni yaysanba noqonin xasiloonidaas mid kuu ogaalaanaysa damaanadqaad buuxa iyo xoriyad inaad kunoolaato hadana waxaan dhihi karnaa soomaaliya inteeda kale way dhantay 


Wadahadalka soomaaliya iyo somaliland waa mid soo jiitamaayey xukuumad kaxukuumad kaasoo ilaa hada aysan jirin arimo lataaban karo oo kaqabsoomay Wadahadalka 
Hugaamiyaasha ladada dhinac mid waliba markuu rabo ayuu dhahaa "waxaa naga go,an wadahadal "
Xukuumad kasto waxay magacaabtaa gudi wadahadal hada way dhacdaa iyadoo aysan jiran meel inta la iskugu tagay lafariistay laga wadahadlay midnimo ama gooninimada 

Soomaaliya waxaa ahaa jiray iyadoon xitaa dowlad lahayn dal sidiisaa utaagan oo leh qaab dowladnimo soomaaliyana waxaa lagu tilmaamaa geeska Africa lkn hada geeska Africa waxaa la iskuyiraa wadamada somalia,kenya,Ethiopia iyo Djibouti 
Maadaama qayb wayn oo soomaaliya ah ay haystaan Ethiopia qayb kalena haysato kenya waxay wada qaateen magaca geeska Africa 

Ilaahey waxaan kabaryeynaa inuu iskukeeno soomaalida kala irdhoobay markalena ay dhistaan dowlad quwad leh caalamkuna kahibeesto 
Insha allah 

|Ali ahmed salaad qoraaga iyo milkiilaha majaladan 

Waa kumahadsantahay akhriste wixii  |talo toosin iyo Tusaale ahba commentiga noogu reeb 




Sunday, 17 May 2020

Udiyaar garowga ciida sanadka 2020,ciida sanadka 2020,ciid wanaagsan kuciida


Udiyaar garowga ciida sanadka 2020,ciida sanadka 2020,ciid wanaagsan kuciida 
Udiyaar garowga ciida sanadka 2020,ciida sanadka 2020,ciid wanaagsan kuciida 

Top ten somali youtubers,tobanka youtuber ee ugu taageerada badan soomaalida


Top ten somali youtubers,tobanka youtuber ee ugu taageerada badan soomaalida 
Top ten somali youtubers,tobanka youtuber ee ugu taageerada badan soomaalida 

Najma nashaad rasuulkii sharafta mudane Qasiido nabi amaan eh


Najma nashaad rasuulkii sharafta mudane Qasiido nabi amaan eh 

Najma nashaad rasuulkii sharafta mudane Qasiido nabi amaan eh 

Barnaamijka qaraaxo astaan tv, qaraaxo astaan tv

Barnaamijka qaraaxo astaan tv, qaraaxo astaan tv
Barnaamijka qaraaxo astaan tv, qaraaxo astaan tv 

Barnaamijka qaraaxo astaan tv, qaraaxo astaan tv

Barnaamijka qaraaxo astaan tv, qaraaxo astaan tv 

Barnaamijka qaraaxo astaan tv, qaraaxo astaan tv 

Barnaamijka qaraaxo astaan tv 2020

Barnaamijka qaraaxo astaan tv 2020
Barnaamijka qaraaxo astaan tv 2020
Daawo adaa yaabi doonee 

Barnaamijka qaraaxo astaan tv 2020

Barnaamijka qaraaxo astaan tv 2020
Qaraaxo astaan tv 

CUDURKA DILAAGA AH EE CORONA VIRUS 2020

 
𝗙𝗮𝗮𝗹𝗼: Wadamada caalamka ayaa sameenaaya dadaalo aan waxba loola harin si xal loogu helo xanuunka 𝗰𝗼𝗿𝗼𝗻𝗮𝘃𝗶𝗿𝘂𝘀 oo markiisi ugu horreseey lagu arkay magaalda 𝗪𝘂𝗵𝗮𝗻 ee dalka shiinaha December 2019 
Ururka caafimaadka addunka (𝗪𝗛𝗢) ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo caafimaad oo caalami ah ku saabsan 𝗰𝗼𝗿𝗼𝗻𝗮𝘃𝗶𝗿𝘂𝘀 kaaso dilay in ka badan 3,000 qof addunka oo dhan muddo 2 𝗯𝗶𝗹𝗼𝗼𝗱 ah 
In ka badan oo 92,000kun oo kiis ah ayaa laga sheegay addunka oo dhan badankooda ku sugan maagalada shiinaha oo kasoo dilaacay 

𝗪𝗮𝗮 𝗺𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗰𝗼𝗿𝗼𝗻𝗮𝘃𝗶𝗿𝘂𝘀?

𝗖𝗼𝗿𝗼𝗻𝗮 wuxuu ka mid yahay cudurka sababa xanuunada halista badan waxaa uuna ku dhacaa hab dhiska neef mareenka bini'aadanka wuxuu wataa 𝗤𝘂𝗻𝗳𝗮𝗰 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗻𝗱𝗵𝗼
Iyadoo qofkii ku dhaca muddo gaaban ku dili karo
 
𝗛𝗮𝘄𝗮𝗱𝗮 𝗺𝗮 𝗹𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮 𝗰𝘂𝗱𝘂𝗿𝗸𝗮𝗮𝗻?

Waxaa jirto dood ku saabsan arrintaan, dhaqaatiirta intooda badan waxay aaminsan yihiin in aan hawada lisku marin karin xanuunka, balse lagu kala qaadi karo 𝗧𝗮𝗮𝗯𝗮𝘀𝗵𝗼, 𝗛𝗶𝗻𝗱𝗵𝗶𝘀𝗶𝗱𝗮 iyo 𝗤𝘂𝗻𝗳𝗮𝗰𝗮

𝗗𝗮𝗮𝘄𝗼 𝗺𝗮 𝗹𝗲𝗲𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗰𝗼𝗿𝗼𝗻𝗮𝘃𝗶𝗿𝘂𝘀!!

Majiro ilaa hada daaweyn gaar ah in kasta ay dhaqaatiirtu baarayaan daawoyiin jirka loogu talagalay fayriska oo hore loogula dagaalamay 𝗘𝗯𝗼𝗼𝗹𝗲 iyo 𝗛𝗜𝗩
Dhaqaatiirta mahubaan daawooyinka jiraan inay caafimaad leeyihiin 
Daawada ugu horreeya waxaa lafilaaya inay soo baxdo 2021

𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗹𝗼𝗼𝗴𝘂 𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮?

1- gacmo dhaqis joogta ah ku dhaq saabuum
2- Daboolida afka iyo sanka xiliga qunfaca ama hindisada 
3- inaad ka fogaatid qof qùnfacaaya ama hindisaaya 1 meter
4- hadii aad dareento qandho ama qunfac ama ku dhibaaya neefsiga sida ugu dhaqsiyaha badan kula xariir dhaqtarka 

𝗡𝗕:cudurkaan wax daawo ah malahn 

ALLE HAKA BADBAADIYO DHAMAAN UMADAA MUSLIMIINTA AH MEEL WALIBO AY DUNIDA KA JOOGAAN 🤲🤲

𝑳𝑰𝑲𝑬 𝑺𝑨𝑨𝑹 𝑷𝑬𝑬𝑮𝑲𝑬𝑬𝑵𝑨 
𝑳𝑨𝑾𝑨𝑫𝑨𝑨𝑮 𝑸𝑶𝑭 𝑾𝑸𝑳𝑰𝑩𝑶 𝑴𝑼𝑺𝑳𝑰𝑴 𝑨𝑯

👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇

HAL DOLLAR MUCJISO KU IIBSO 2020

(HAL DOLLAR MUCJISO KU IIBSO)💸
==============================
Waa qoys sabool ah oo ka kooban hooyo, Aabe iyo wiil👷‍♂️iyo gabar🧕 ay dhaleen.

Wiilkoodii ayaa aad u xanuunsaday, baaris kadib waxaa la ogaaday in xaaladda wiilku khatar ku jirto una baahan yahay Qaliin degdeg ah, Wiilka buro ayaa uga taalay madaxa waxaana lagama maarmaan noqotay in lagu sameeyo Qaliin halistiisa leh oo nolol iyo geeri u dhaxeeya.

Sheeka dheer oo dhexmartay Aabaha wiilka iyo dhaqaatiirta👨‍⚕️ kadib ayuu Aabihii guriga ku soo Laabtay isagoo murugaysan, xaaskiisa ayuu u sheegay xaalada wiilkooda soo food-saartay iyo inay khasab tahay in inanka lagu sameeyo Qaliin lacagta ku baxaysaa ay aad u fara-badan tahay, Sidoo kalena ay mucjiso u baahan yihiin si wiilkoodu u badbaado! 

🧕Gabadhoodii yarayd ayaa maqashay hadalkooda, Qolkeeda ayaa u carartay, boorso yar👜oo ay lahayd ayey lacag ka baartay, waxay ka heshay Hal dollar💸oo keliya, Halkii dollar ayey la soo carartay waxay soo aaday Farmasigii 🏨 ugu dhowaa xaafadooda, waxay la kulantay iyadoo dhaqtarku qof la sheekaysanaayo, in cabbaar ah ayey sugtay ,markay daashay ayey dhaqtarkii u timi, iyadoo qaylinaysa ayey halkii dollar miiska u saartay, waxay sii raacisay "MUCJISO IGA IIBI"!

Dhaqtarkii ayaa yidhi "sow uma jeedid inaan mashquul ahay oo aan la sheekeysanaayo walaalkay oo aanan muddo is arkin?

Markaasuu haddana waydiiyey "MUCJISADA AAD RABTO WAA NOOCE🤔?

Waxay tiri "Ma aqaan laakiin hooyaday iyo Aabahay ayaan maqlay oo ku sheekaysanaaya in Wiilkeenu uu mucjiso ku badbaadi karo, halkaan dollar ma ii goysaa Mucjisadaas?"

Dhaqtarkii ayaa ugu jawaabay "Haa halka Dollar waad ku iibsan kartaa Mucjiso balse marka hore waa inaan walaalkaa soo arkaa".

👨‍⚕️Dhaqtarkaas wuxuu ahaa Dr.Carlton Armstrong Waa dhaqtar caan ah oo ku takhasusay Qaliimada Neerfayaasha.

Gabadhii ayuu gurigooda u soo raacay wuxuuna la kulmay waalidkii, Wuxuu u sheegay inuu isagu Qaliinka ku samaynayo wiilkooda, Maalmo kadib ayuu wiilkii ku sameeyey Qaliin Guuleys

DOODIHII JAAMACADA UMMADA SOOMAALIYEED


Tuesday, 14 March 2017

Doodihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed - Qeybta Shanaad

Dr. Cusmaan Aden Cabdulle, oo ahaa Agaasimaha Bankiga Dhiigga, oo annaga oo arday ah Jaamacadda nagula hadlay ayaa nooga warramay dhibka Bankiga ka haysta keydka dhiigga. Wuxuu nooga warramay xaaladda bukaanka iyo dhaawaca u baahan dhiigga. Isla markasna si baaq ah oo talo weydiin iyo codsi isugu jirta ayuu noola hadlay.

Aniga oo ah Guddoomiyaha ardayda Kulliyadaha Gahayr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaan dhegeysanayay hadalka Agaasimaha, mana ogeyn in aan ka mid noqon doono shaqaalaha Bankiga Dhiigga ee uu Dr. Cusmaan Agaasimaha u yahay.

Gocasho


Aniga iyo saaxiibbo kale oo ardayda ka mid ah waxaa macna weyn noo sameeyay eray uu yiri Agaasimuhu.  Dhiiggu waa daawo aan warshad lagu sameyn karin, ayuu nagu yiri. Weedhaas dib ayaan u soo goconnay.

Arrintii ayaan ardeyda la dhex marnay.  Ka dib markii ay is qoreen liis arday ah oo u diyaar ah in ay dhiig ugu deeqaan walaalo aanay garaneyn oo xanuunsan ama hadda ka dib dhaawacmi doona ama la qali doono, ayaan xafiiskiisa ugu tagnay oo soo wargelinnay Agaasimaha.  Markaas waxaa Gahayr noogu yimid kalkaaliyaal caafimaad oo Bankiga ka tirsan oo qalabkoodu u dhan yahay.

Intaasi markii ay noo qabsoontay ka dib ayaan annaga oo saddex ah oo labada kale ay yihiin dhakhaatiir hadda waaweyn laakiin berigaa ahaa arday Kulliyadda Caafimaadku waxaan ku heshiinnay in aan wacyi gelin u sameyno bulshada. Waxaan goosannay in aan ka billowno dhallinyaro yaryar oo aan hadda looga baahneyn in ay dhiig bixiyaan – waa ardayda Dugsiyada Sare. Ujeeddadu waxay ahayd in ay weynaadaan iyaga oo aan dhiig ku-deeqidda cuqdad ka qabin oo markaa ay noqdaan dhiig-bixiyayaal.

Isku daygii howshaas oo aan qorsheynay in aan ka billowno Dugsiga Sare ee Banaadir nooguma hirgelin sidii aan jecleyn.

Markaa ayaan dhowr barnaamij oo wacyi gelin ah anigu ka abaabulay Radio Muqdisho oo marna aan dhakhaatiir ku marti qaaday marna aqoonyahanno kale iyo weliba shacab caadi ah bal waxa ay ka aamminsan yihiin in ay ku deeqaan dhiig.

Aakhirkiina waxay noqotay shaqadeeda in aan bankiga Dhiigga u qaabbilsanaado dhanka Xiriirka Dadweynaha iyo wacyi gelinta.

Halkaas oo la igu siiyay baabuurkii ugu horreeyay oo aniga igu magacaaban laakiin ay Dowladdu leedahay - Gaadiidka Dowladda oo loo soo gaabin jiray G. D. Waxay ahayd FIAT 127.

Markii dadka ka baqaya dhiig ku deeqiddu ay iga badiyeen doodda ah in qofka dhiig bixiyaa uu ka dhaxlo wareer iyo madax xanuun joogta ah iyo daciifnimo, waxay noqotay in aan anigu dhiig ku deeqo.

Wax dhib ah ma dareemin markii aan dhiigga ku deeqay, inkasta oo miisaankeygu uu ahaa mid soo jiitay muran ay kalkaaliyayaasha caafimaadku iga geliyeen in aan dhiig ku deeqi karo iyo in kale.

Dhiig ku-Deeqayaal


Shakhsiyaadka aan xusuusto ee dhiigga sida joogtada ah ugu deeqi jiray waxaan soo qaadanayaa dhowr magac oo ka mid ah.  Shakhsiyaadkaas qaarkood waxay dhiig ku deeqeen iafartameeyo jeer, qaarkoodna weyba ka badnaayeen.

Waa Dhakhtar Cusmaan Aden Cabdille, oo mararka qaar isaga oo aan dhammaysan saddexda bilood ee ay tahay in qofku uu sugo inta aanuu mar kale dhiig ku deeqin isku dayi jiray in uu dhiig bixiyo. Kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa marmar iska hor taagi jiray haddii ay ogaadaan in aan saddex bilood u dhammaan.  Waxaa kallifayay baahida dhiig ee indhihiisa uu ku arkayo, aadminnimada ku jirta iyo mas'uuliyadda uu dareemayo in isagu uu u xil saaran yahay keydka dhiigga.

General Cabdinuur Yusuf oo ka tirsanaa booliiska iyo maamulka Sportiga isla markaasna ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Ururka Bisha Cas ayaa isaguna ka mid ahaa dhiig ddeqayaasha heellan. Si joogta ah ayuu mudda dheer u bixinayay dhiig.

Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqa Magaalada Muqdisho isaguna wuxuu joogta u bixin jiray dhiigga.

Dadka qaar waxay bixin jireen dhiigga Plasma oo ay si joogta ah ugu baahan yihiin carruurta Hemophiliac ah.  Ku deeqidda Plasma waa howl ka culus dhiig mar qura la bixiyo oo inta qofka laga qaado dhiig ka badan inta uu awoodo in uu ku deeqo ayaa la geeyaa sheybaarka oo laga soocaa Plasma. Markaas ayaa unugyada cas iyo unugyada cad ee Dhiigga iyo walaxda loo yaqaan Platelets oo ah dhiig-xinjireeyaha la kala soocaa lagalana haraa inta loo baahan yahay. Ka dibna dib ayaa loogu shubaa qofkii ku deeqay. Inta dhiigga la kala soocayo, qofka ku deeqay waxaa suran faleebbo ku shubaysa milan ku sima inta dhiigga lagu soo celinayo.

Dadka Plasma ku deeqi jiray waxay xusuusteydu ii sheegeysaa in uu ka mid ahaa Cali Ugaas Cabdulle.

Dhiigga nooca ugu yare ee dadka Soomaalida laga helo waa nooca loo yaqaan 0 Rh- ama loo soo gaabiyo 0 Rh -.

Haddii qof dhiiggiisu yahay 0 Rh – oo jooga Soomaaliya uu dhiig baxo ama xanuun ama qalliin dartiis uu ugu baahdo dhiig waa ay adag tahay in dhiiggaas dhakhso loo helo haddii marka hore aanuu keydka ku jirin.

Mararka qaarkoodna waxaa dhacaysa in haddii muddo aad u kooban dhiigga lagu heli waayo aanuu bukaanku dhinto ama gaaro xaalad aanuu ka soo kaban karin.

Prof. Shahiid
Sidaa darteed Bankiga dhiiggu wuxuu diyaariyay liiska mutaddawiciin nooca dhiiggoodu uu yahay 0 -, oo mar kasta oo dhiig noocaas ah loogu baahdo si emergency ah, diyaar u ah in ay dhiig ku deeqaan.

Liiska oo aan u maleynayo in uu ahaa tiro ka yar toban mutaddawac, waxaan ka xusuustaa Prof. Shahiid oo lagu dilay qaraxii Hotel Shaamo isaga oo ka qeyb gelaya qalin jebinta arday uu dhakhtarnimo u tababbaray.  Isaga iyo macallimiin kale iyo dhakhaatiirtii ay wax bareen waaliddiin iyo madax munaasabadda ka qeyb gashay ayaa la qarxiyay.  Waxaa dilay wiil aanay aqoon isaguna aan iyaga aqoon, kana warqabin sida ay dadkaasi muhiim ugu yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Allah ha u naxariisto Dr. Shahiid waxaa dhiiggiisa daadiyay nin aan aqoon, aan hubana in isagu uu dhiiggiisa u shubi lahaa haddii uu wiilkaasi xanuunsan yahay oo uu dhiig u baahdo si uu naftiisa u badbaadiyo.

Dr. Cabdi Faarax Taano
Waxaa kale oo aan liiskaas ka xusuustaa Dr. Cabdi Faarax Taano. 

Saaxiibkeey Cabdi Faarax Taano oo aan Jaamacadda isku xilli ahayn, ahaana Guddoomiyaha Ardeyda Kulliyadda Daawada, beri dambe ayaan isaga oo dhakhtar ah aniguna aan ka tegey Bankiga dhiigga aan raadiyay, soo helay oo aan weydiistay dhiiggiisa in uu iigu deeqo.  Wuxuu i weydiiyay cidda iga xanuunsan.  Waxaan u sheegay qofka aan u doonayay taas oo waxoogaa kaftan ah na dhex dhigtay. Waxaan dhiig u doonayay maxbuus Ethiopian ah oo dalkeenna ku xirnaa oo waayeel ah oo xanuunsanaa.

Caymis


Beri dambe waxaa la gartay in dadka ugu badan ee dhiig u baahdaa ay yihiin dadka ku dhaawacma shilalka waddooyinka. Taas waxaa macnaheedu yahay in shil kasta uu ku lug leeyahay ugu yaraan wadaha hal gaari. Haddii ay yihiin laba ama ka badan baabuur oo isku dhacayna ay tirada wadayaashu intaas ka badan tahay.

Si dhaawaca shilalka dhiig loogu helo waxaa is afgarad sameeyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Bankiga Dhiigga. Waxaa la gartay in qofka doonaya in uu qaato Shahaaddada Wadidda Gaadiidka in shuruudaha ku xiran in uu buuxiyo ay ka mid noqoto in uu ugu yaraan hal mar ku deeqo dhiig.

Rayi kala duwan ayaa laga qabay arrintaas laakiin waxay xal u noqotay in yar oo ka mid ah baahida dhiigga ee ay qabeen Isbitaallada dalku.

F. G. 
Taxanaha Doodaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed ilaa iyo hadda waxaan daabacay shan, welina waan sii wadi doonaa insha Allah.  Shantaba waxaad ka heleysaa isla boggan.

Doodihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed - Qeybta Koowaad
Waa dood toddobaad ka socotay Xarunta Jaamacadda oo looga hadlay Qabiilka iyo Qaranka.

Doodihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed - Qeybta Labaad

Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar ayay ku saabsan tahay oo ardayda kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin diiwaangelinta ilmaha.

Doodihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed - Qeybta Saddexaad
Axmed Maxamuud Faarax oo wax laga weydiiyay biyo la'aan ka taagnayd degaanno uu Buuhoodle ka mid yahay ayay ku saabsan tahay qormadani.

Doodihii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed - Qeybta Afraad
Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo ka hadlay waddaniyadda, Maxamed Shiikh Cusmaan Meykaal oo ka hadlay dhaqaalaha iyo Cusmaan Jaamac oo ka hadlay kheyraadka badda siiba Kalluunka ayaad uga bogan kartaa qorman.

No comments:


Todobaadka xoriyada soomaaliya

Xuska sanadguurada madaxbanaanida somalia Mdaxweyne Farmaajo oo Hambalyo Xoriyada iyo Midnimada u diray Shacabka Somaaliyeed. Madaxwey...