(HAL DOLLAR MUCJISO KU IIBSO)💸
==============================
Waa qoys sabool ah oo ka kooban hooyo, Aabe iyo wiil👷♂️iyo gabar🧕 ay dhaleen.
Wiilkoodii ayaa aad u xanuunsaday, baaris kadib waxaa la ogaaday in xaaladda wiilku khatar ku jirto una baahan yahay Qaliin degdeg ah, Wiilka buro ayaa uga taalay madaxa waxaana lagama maarmaan noqotay in lagu sameeyo Qaliin halistiisa leh oo nolol iyo geeri u dhaxeeya.
Sheeka dheer oo dhexmartay Aabaha wiilka iyo dhaqaatiirta👨⚕️ kadib ayuu Aabihii guriga ku soo Laabtay isagoo murugaysan, xaaskiisa ayuu u sheegay xaalada wiilkooda soo food-saartay iyo inay khasab tahay in inanka lagu sameeyo Qaliin lacagta ku baxaysaa ay aad u fara-badan tahay, Sidoo kalena ay mucjiso u baahan yihiin si wiilkoodu u badbaado!
🧕Gabadhoodii yarayd ayaa maqashay hadalkooda, Qolkeeda ayaa u carartay, boorso yar👜oo ay lahayd ayey lacag ka baartay, waxay ka heshay Hal dollar💸oo keliya, Halkii dollar ayey la soo carartay waxay soo aaday Farmasigii 🏨 ugu dhowaa xaafadooda, waxay la kulantay iyadoo dhaqtarku qof la sheekaysanaayo, in cabbaar ah ayey sugtay ,markay daashay ayey dhaqtarkii u timi, iyadoo qaylinaysa ayey halkii dollar miiska u saartay, waxay sii raacisay "MUCJISO IGA IIBI"!
Dhaqtarkii ayaa yidhi "sow uma jeedid inaan mashquul ahay oo aan la sheekeysanaayo walaalkay oo aanan muddo is arkin?
Markaasuu haddana waydiiyey "MUCJISADA AAD RABTO WAA NOOCE🤔?
Waxay tiri "Ma aqaan laakiin hooyaday iyo Aabahay ayaan maqlay oo ku sheekaysanaaya in Wiilkeenu uu mucjiso ku badbaadi karo, halkaan dollar ma ii goysaa Mucjisadaas?"
Dhaqtarkii ayaa ugu jawaabay "Haa halka Dollar waad ku iibsan kartaa Mucjiso balse marka hore waa inaan walaalkaa soo arkaa".
👨⚕️Dhaqtarkaas wuxuu ahaa Dr.Carlton Armstrong Waa dhaqtar caan ah oo ku takhasusay Qaliimada Neerfayaasha.

No comments:
Post a Comment
Is diiwaan gali