Munaasabbada ayaa ahayd mid kaduwan kuwii sanadihii hore maadaama uu hada aduunka kajiro cudur dilaa ah
Taas ayaa sababtay inay kasoo qaybgalaan dad aad uyar oo masuuliyiin ah sida xildhibaano, wasiiro,saraakiil iyo saraakiil xigeen
Somaliland ayaa kudhawaaqday gooni ugoosadkeeda 18dii may 1991 markii ay dhacday jamhuuriyadii soomaaliya
Iyadoo siwayn uu uga horyimid ururkii kajiray somaliland (SNM) markaasna ay kuqasabtay in lala dagaalamo fikirka gooninimada lkn iyadoo intii howshaasi socotay ay kadhasheen arimo aan lamahdin cuqubo iyo xaalad banii aadanimo
Inkastoo somaliland ay ahayd mid iskeeda iskaga taagan habeen iyo maalina kuriyoota in mar uun la aqoonsan doono hadana shacabkii quus ayey kaqaateen aqoonsiga somaliland madaxwayne kasta oo imaadana wuxuu dhahaayey hada ayaa nala aqoonsanayaa Taas oo ay shacabka soomaaliyeed ee reer somaliland kuwareereen
Waxaa lasheegaa in muuse biixi yahay dictator kadaran kii siyaad barre maxaa yeelay siyaad barre wuxuu qabtay waxyaabo badan oo xukuumada somaliland aysan kuriyoon inay qabato
Hadii madaxwaynaha loosoo jeediyo wax dhaliila maba maqlikaro oo saan ayuu dibnaha uqaniinayaa
Inkastoo somaliland ay kudhawaaqday gooni ugoosadkeeda hadana intii soomaaliya inteeda kale ay kujirtay dowlad la,aanta iyo dagaalada sokeeye somaliland waxaa kajiray xasilooni yaysanba noqonin xasiloonidaas mid kuu ogaalaanaysa damaanadqaad buuxa iyo xoriyad inaad kunoolaato hadana waxaan dhihi karnaa soomaaliya inteeda kale way dhantay
Wadahadalka soomaaliya iyo somaliland waa mid soo jiitamaayey xukuumad kaxukuumad kaasoo ilaa hada aysan jirin arimo lataaban karo oo kaqabsoomay Wadahadalka
Hugaamiyaasha ladada dhinac mid waliba markuu rabo ayuu dhahaa "waxaa naga go,an wadahadal "
Xukuumad kasto waxay magacaabtaa gudi wadahadal hada way dhacdaa iyadoo aysan jiran meel inta la iskugu tagay lafariistay laga wadahadlay midnimo ama gooninimada
Soomaaliya waxaa ahaa jiray iyadoon xitaa dowlad lahayn dal sidiisaa utaagan oo leh qaab dowladnimo soomaaliyana waxaa lagu tilmaamaa geeska Africa lkn hada geeska Africa waxaa la iskuyiraa wadamada somalia,kenya,Ethiopia iyo Djibouti
Maadaama qayb wayn oo soomaaliya ah ay haystaan Ethiopia qayb kalena haysato kenya waxay wada qaateen magaca geeska Africa
Ilaahey waxaan kabaryeynaa inuu iskukeeno soomaalida kala irdhoobay markalena ay dhistaan dowlad quwad leh caalamkuna kahibeesto
Insha allah
|Ali ahmed salaad qoraaga iyo milkiilaha majaladan
Waa kumahadsantahay akhriste wixii |talo toosin iyo Tusaale ahba commentiga noogu reeb
No comments:
Post a Comment
Is diiwaan gali